Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa Munaasabadda 26-ka Juun ee Xornimada Gobollada Woqooyi. Sidoo kale waxaan Shacabkeenna ka codsanayaa inay weyneeyaan Toddobaadka Xorriyadda oo caawa inoo bilowday, si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed ee bulshada.