Kagadaal markay Dawladda Maraykanku iska diiday Ruun Saciid Qoorsheel ayaa loo magacaabay Ruun inay noqoto siihayaha Safaaraddeena ku taalla Dalkaas Qatar markay xilka kala wareegtay Safiirkii hore durba waxay magacawday ‘’Ergayga Amuuraha Gaarka ah ee Safaaradda ‘’ waxayna u macawday nin u dhashay Marooko macagiisana la yiraahdo ‘’Maxamed Riyad Cabdulqadir’’ ninkan ayaa leh Shirkad dhalanteed ah lana yiraahdo KON W.L.L xafiisna ku leh Dooxa wuxuuna leeyahay magac ka duwan kan kusoo baxay warqadda magacaabista ee kasoo baxday xafiiska Siihayaha Safaaradda Soomaaliyeed oo ah Mr. Mohamed Riad Massani
Dublamaasi ka tirsan Wasaaradda Amuuraha Debadda ee Dalkaas Qatar ayaa ii xajiiyay inay su’aalo ka waydiiyeen Siihayaha qudheeda hasa ahaatee waxay ku guul daraysatay inay noo soo gudbiso macluumaadka dhabta ah ee ninkan iyo shaqada uu qabanayo waxay tahay
Dublmaasi Qatari ah ayaa ii sheegay inay maalmo kahor booqashadii Madaxwayne Xassan ee Dooxa inay ogaadeen in Xafiiska Shirkadda ninkan lee yahay ( KON GROUPS ) inuu yaallo nuqul tiimbaraha Safaaradda Soomaaliya halkaasna lagu qoro warqado aan lahayn summadda tixraaca kaydka dukumiintiyada Safaaradda Soomaaliyeed .
Ganacsato reer Qatar ah ayaa u xaqiiyay Habmaamuuska Wasaaradda Dibadda Qatar inay lasoo xariirtay gabadh u dhalatay Dalka Hindiya lana yiraahdo Revathi Krishnan ayadoo ku hadlaysa magaca Safaaradda Soomaaliya, Gabadhan ayaa doonaysay inay balamo u samayso Xog-hayaha joogtada ee Wasaaradda Amuuraha Debedda Soomaaliyeed oo markaa booqasho ku imanayay Dalkaas Qatar
Dublamaasi ka tirsan Hab-maamuuska Wasaaradda Amuuraha Debedda Qatar ayaaa ii sheegay in Siihaye Ruun Qorsheel, Xoghayaha 1aad Cabdirisaaq Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Nour laguna garan og yahay (Badar) ay Wasaaradda mar walba iska galaan ballan la aan waraaqahana aysan marsiin jidka loogu tala galay waxayna WhatsApp ugu diraan Agaasimaha hab-maamuuska Wasaaaradda Ibrahim Fakiir sidoo kale xafiis yada ayay iska galaan ayagoo daba socda warqad ay soo direen jawaabteedi taasoo baal marsan hab maamuuska dublamaasiga .
Siihayaha Safaaradda Ruun Qorsheel ayaa heshiis is af garad la saxiixday shirkad uu leeyahay Ninka ay ergayga u magacawday oo la yiraahdo Kon Groups waxaana la ii sheegay in shirkaddan ay doonayso inay dib u habayn ku samayso dhismaha safaaradda Soomaaliyeed waxaana lacag nus malyuun gaaraysa laga codsaday Dawladda Qatar.
Al Massani wuxuu Safaaradda Soomaaliya keenay Nin Marookaan ah oo u fadhiya soo dhawaynta sidoo kale Nin Kiinyaan ah oo waardiye ah ( Waxaa Safaaradaha ilaaliya Ciidanka ilaalada hay’adaha dublamaasiga ah ee Qatar fadhiya ) waxaa intaas dheer waxaa la eryay gabadh Soomaaliyeed oo ahayd ( Local Staff ) waxaana lagu badalay nin Pakistani ah oo uu keenay Almassani
Dublamaasi ka tirsan Safaaradda Suudaan ayaa ii sheegay in ninkan uu Safaaradaha Itoobiya iyo Suudaan ee Dalkaas Qatar uu magacooda lacago uga qaatay Dawladda Qatar , si kastaba waxaan helay xog sheegaysa in Ninkaan laga mamnuucay xayn daabka Safaaradda Turkiga ee Dooxa kadib maarkii uu Sawir uu Safiirka Turkiga la galay uu u isticmaalay hab been abuur ah.
Booqashadii Madaxwayne Xassan ee Dooxa Al Massani wuxuu kasoo muuqanayay dhinaca Madaxwaynaha dhammaan kulamada sida ka muuqata sawiradda laga soo qaaday taasoo laga dheehan karo Al Massani inuu taagan yahay booska Danjiraha Dalkeena u joogo dalkaas Qatar, Magacaabista ninkan ayay suura gal tahay inuu Xafiiska Madaxwaynuhu ka war hayo . Ninkan Carabka ah ayaa Vilada lagu dhex arkay waxaase la ii xajiijin waayay cidda gaysay iyo maqaamka uu ku tagay halkaas